Home arrow News in Somali
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:383
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:83
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:693
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:309
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 24 2008
Midowga Africa oo ugu Baaqey UN-ka in ay Ciidamo Usoo Diraan Soomaaliya
Written by Ali Moallim   
Thursday, 24 July 2008

Adis Abba,(insidesomalia.org)-Midowga Africa ayaa sheegay maalintii Arbacada in uusan awood ulahayn in uu nabad ku soo dabaalo soomaaliya sidaas daraadeedna uu ku boorinayo qaramda midowbe in ay kala wareegto howlaha amaanka soomaaliya.

 

Madaxa  Amaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa u sheegay golaha amaanka inkastoo ay u nafhureen sidii ay nabad gelyo ugu soo dabaali lahaayeen soomaaliya haddana aysan awood u yeelan Karin in ay fuliyaan howlaha loo xil saaray sabata ayuu ku sheegay in aysan u dhigmin waxa kataagan soomaaliya.

 

Ramtane waxa uu intaas ku daray in midowga Africa uu dadaal ugalay sidii ugu qancin lahaa dalalka kujira midowga Africa in ay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya ayna ku biiriyaan ciidamo kasocda dalalkooda ciidanka Amisom ee jooga soomaaliya.

 

Inkastoo uu midwowga Africa uu  balan qaaday in uu soomaaliya u diro 8-kun oo askari ayaa hada waxaa Soomaaliya ku sugan ilaa 2,600 oo askari, kuwaas oo ka socda Brundi iyo Uganda oo ah kuwa kaliya ee ka socda Midowga Afrika oo haatan ku sugan magaalada Mogadisho.

 

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya Cali Axmed Jaamac ( Jangeli ) ayaa u sheegay golaha amaanka xilli uu maalintii shaley kalahaa fadhi xaaladda soomaaliya , wuxuuna kacodsaday golaha amaanka ciidan ka socda qaramada midowbe kuwaas oo ay maalgelinayso qaramada midowbe.

 

Sidoo kale Axmedu Walad Cabdella oo ah ergeyga gaarka ah ee soomaaliya ayaa ku baaqay in qaramada midowbe ay u soo dirto ciidan awood u leh in ay nabad ku soo dabaalaaan dalka soomaaliya, balse aysan noqonayn kuwa nabadda oo dhan ka keenaya soomaaliya.

 

Xilli ay isku waafaqsan yihiin dhamaan 15 xubnood ee golaha amaanka in xaaladda soomaaliya ay tahay mid khatar ah laakiin waxa ay ka gaab sanayaan in ay ciidamo geeyeen dalka soomaaliya , halkaas oo ay ka socdaan dagaalo ay isag hor imanayaan kooxaha Alshabaab oo dhan ah  iyo dowlada FKG iyo dowladda Ethiopia oo dhanka kala ah.

 

 





 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >